Jamie Carragher oo xusay arrin muhiim ah oo ku saabsan Kevin De Bruyne marka la eego heshiisyada Mohamed Salah iyo Virgil van Dijk

Jamie Carragher oo xusay sababta ay Liverpool ugu saxiixday Salah iyo Van Dijk, iyadoo Man City ka tagtay Kevin De Bruyne


Kooxda Liverpool ayaa ammaan badan heshay ka dib markii ay ku qancisay Mohamed Salah iyo Virgil van Dijk in mustaqbalkooda uu weli yaallo Anfield. Si kastaba ha ahaatee, waxaa jiray dhaleecayn kooban oo laga keenay go’aankaas, iyadoo la isweydiinayo in heshiisyo cusub loo sameeyo ciyaartooy 30-ka kor u dhaafay ay tahay mid caqli gal ah.

Arrintaasi ayaa sii xoogaysatay ka dib markii Manchester City ay ku guuldareysatay inay u cusbooneysiiso Kevin De Bruyne heshiis cusub, taasoo indhaha u furtay dadka arrinta dhaliilayay. Jamie Carragher, halyeygii hore ee Liverpool, ayaa isaguna hadda arrinta ka hadlay.

Inkastoo dad badan aysan ku farxin heshiisyada cusub ee Salah iyo Van Dijk, Carragher wuxuu xusay in labadooduba ay yihiin ciyaartoy heer caalami ah oo wali farqi weyn ku sameeya kooxda uu hadda hogaamiyo Arne Slot.

“Waa run in FSG ay ogyihiin in loo baahan yahay in si qoto dheer loo eego go’aannada heshiisyada cusub,” ayuu Carragher yiri. “Michael Edwards wuxuu jebiyay qaanuunkiisii caadiga ahaa ee ahaa in aan la siin heshiisyo waaweyn ciyaartooy da’ ah.”

Laakiin, wuxuu xusay in mararka qaarkood ciyaartoyda gaarka ah ay mudan yihiin in laga dhigo tusaale gaar ah. “Kevin De Bruyne wuxuu kamid yahay ciyaartooyda ugu wanaagsan Premier League sanadihii la soo dhaafay, sida Salah iyo Van Dijk,” ayuu yiri Carragher. “Haddana, Manchester City si sahlan ayay uga tagtay iyadoo aysan xitaa si fiican u tixgelin.”

Carragher ayaa ku dooday in farqi weyn u dhexeeyo xaalada De Bruyne iyo labadan xiddig ee Liverpool. “Salah iyo Van Dijk waxay ciyaaraan toddobaad walba, markaas waxaad og tahay marka aad siiso mushahar weyn inaad helayso 40 ilaa 50 kulan xilli ciyaareedkii. Laakiin Kevin De Bruyne sidaas ma aha. Wuxuu ciyaaraa kala bar kulamada.”

Xaqiiqdii, hadalka Carragher ma ahayn mid la buunbuuniyay. Xilli ciyaareedkan, De Bruyne wuxuu ciyaaray 1,457 daqiiqo oo Premier League ah, halka Salah uu gaaray 2,930, Van Dijk-na uu yahay 2,970 daqiiqo.

Liverpool waxay khatar ku qaadanaysaa laba ciyaartoy oo da’doodu kor u dhaafay 30, laakiin wali jir ahaan xooggan oo joogto u diyaar ah. Halka Man City ay go’aansatay inaysan halis ku galin ciyaartoy uu dhaawac la daalaa dhacayo.

Inkasta oo De Bruyne wali yahay ciyaaryahan tayo leh marka uu garoonka joogo, haddana waxqabadkiisa ayaa hoos u dhacay, waxaana laga dareemayaa inuu yahay ciyaaryahan hadda si taxaddar leh u ciyaara, halkii uu hore uga ahaa mid garaacaya difaacyada si toos ah.

Marka laga eego dhinaca da’da, De Bruyne ayaa hal sano ka weyn Salah – waana farqi weyn marka la eego heerka weeraryahanada heerka sare ah.

Ugu dambeyn, inkasta oo labada kooxood ay la kulmeen go’aamo adag, haddana waxa cad in Liverpool ay u saxiixday laba ciyaaryahan oo wali ahmiyad weyn leh, halka Man City ay go’aansatay inay ka tagto ciyaaryahan saameyntiisa ay sii yaraanayso. 

Post a Comment

0 Comments