Weereyahanka Pris Saint-Germain ee Ousman Dembele ayaa diyaar u ah lugta labaad ee semi-finalka CHAMPIONS league oo ay la ciyaarayaan Arsenal Arabacada, ka dib markii uu ka soo kacsday dhaawac muruqa bowdada ah.
Werreryahanka xulka France ayaa shaki la geliyay ka qayb-galkisa ciyaarta kadib markii uu ciyaarta ka baxay bartamihii qaybtii labaad kulunkii lugta hore ee ka dhacay garoonka Emirats tobadaadkii hore.
Dembele oo 27 jir ah, kana dhaliyay goolka kaliya kulankii ka dhacay waqooyiga London, ayaa seegay guuldaradii ay PSG kla kulantay Strasboug ee horyaalka Ligue 1 dhamaadka usbuucii, balse waxa uu dib u bilaabay tababarka Isniinta.
"Labadii maalmood ee ugu fanbeeyay wuu nala tabaranayay" ayuu yiri tababaraha Luis Enrique.
"waaad aragteen Talaadadii-tababar caadi ah ayuu sameeyay". Wuxuu diyaar uyahay ciyaarta Arbacada."
Dembele oo Psg kaga soo biiray Barcelona sanadkii 2023, ayaa ah gooldhaliyaha ugu sareeya kooxda xilli ciyaareedkan isagoo dhaliyay 33 gool tartamada oo dhan.
0 Comments