Trent Alexander-Arnold ayaa dhammeystiray ku biiristiisa Real Madrid, balse waxa uu durba wajahayaa laba caqabadood oo cusub marka uu yimaado kooxdiisa cusub. Xiddigii hore ee Liverpool ayaa si rasmi ah ugu biiri doona kooxda uu tababare u yahay Xabi Alonso marka uu dhamaado fasaxa xulalka, halka Jeremie Frimpong uu buuxin doono booskiisa garoonka Anfield. Alexander-Arnold, oo 26 jir ah, ayaa kasoo muuqday badal ahaan qeybtii labaad ciyaartii ay England si liidata uga adkaatay Andorra 1-0, taasoo u dhoweysay inay xaqiijiyaan u-soo bixitaanka Koobka Adduunka. Sabtidii, saaxiibkiis Curtis Jones ayaa buuxiyay booska daafaca midig ee England, taasoo muujin karta in Alexander-Arnold laga yaabo inuu booskaas kasoo muuqdo ciyaarta saaxiibtinimo ee Talaadada la ciyaarayaan Senegal. Waxaana muuqata inuu xagaagii u baddalay mid aad u mashquul badan kadib markii si rasmi ah loogu dhawaaqay inuu ciyaaryahan u yahay Real Madrid bishii hore, si uu ugu qeyb galo Koobka Adduunka ee Kooxaha. Laba caqabadood oo uu wajahayo: lambarka iyo gaarigiisa Si kastaba ha ahaatee, Alexander-Arnold ayaa durba wajahaya laba caqabadood oo cusub marka uu tago Madrid – ma xirankaro lambarkiisii caanka ahaa ee No. 66, sidoo kalena ma wadan karo gaarigiisii Range Rover ee uu jeclaa. Intii uu joogay Liverpool, Alexander-Arnold wuxuu xiran jiray No. 66 tan iyo markii uu kasoo baxay akadeemiga kooxda, wuxuuna go’aansaday inuu sii haysto xitaa markii uu noqday xiddig weyn oo ku guuleystay koobab waaweyn. Laakiin sharciga La Liga ayaa mamnuucaya in ciyaartoyda kooxda koowaad ay xirtaan lambaro ka badan No. 25 – lambarradaas oo loo oggol yahay kaliya ciyaartoyda da’da yar. Xilli ciyaareedkii hore, daafaca Raul Asencio ayaa xirtay No. 35, laakiin waxaa laga rabaa inuu isbeddel sameeyo haddii uu si rasmi ah kooxda koowaad ugu biiray. Booska daafaca midig ee Real Madrid waxaa hadda haysta Dani Carvajal oo wata No. 2, taasoo la micno ah in Alexander-Arnold laga yaabo inuu doorto No. 12, 24 ama 25, kuwaasoo ah kuwa furan xilli ciyaareedkan. Suuqa kala iibsiga ee xagaagan ayaa sidoo kale saameyn kara lambarrada uu heli karo, iyadoo Modric (No. 10), Lucas Vasquez (No. 17) iyo Jesus Vallejo (No. 18) dhammaan ay heshiiskooda dhacayo xagaagan kadib Koobka Adduunka ee Kooxaha. Isbeddel kale: Gaariga BMW oo qasab ah Dhinaca kale, Alexander-Arnold waxa uu u baahan doonaa inuu beddelo baabuurkiisa. Intii uu joogay Liverpool, wuxuu u safri jiray xarunta tababarka ee AXA Training Centre isagoo wata Range Rover P530, oo ah SUV qaali ah leh matoor V8 oo 530 horsepower leh kuna ordi karta 155mph. Nasiib darro, ma wadan karo gaarigaas marka uu yimaado Real Madrid sababtoo ah kooxda ayaa heshiis xayaysiis la gashay BMW. Sida ay sheegtay warbaahinta Isbaanishka ee El Motor, ciyaartoyda Real Madrid waxaa laga mamnuucay inay keenaan wax baabuur ah oo aan ahayn kuwa BMW marka ay u imanayaan tababarka. BMW waxay siisaa ciyaartoyda baabuur koronto ama hybrid ah oo bilaash ah, waxaana markii dambe la iibiyaa sida baabuurta la isticmaalay. Faahfaahin ku saabsan heshiiska Alexander-Arnold ayaa si rasmi ah loogu dhawaaqay inuu yahay ciyaaryahan Real Madrid bilowgii bishan kadib markii kooxda reer Spain ay ogolaatay inay bixiso £10 milyan (ku dhawaad $13.5 milyan) si uu uga tago Liverpool hal bil ka hor dhamaadka heshiiskiisa. Waxa uu asal ahaan ku biiri lahaa kooxda si xor ah, laakiin Real ayaa bixisay £8.4 milyan ($11.4 milyan) oo lagu daray £1.6 milyan ($2.1 milyan) si loo daboolo mushaharkiisa u haray, taasoo ka dhigaysa inuu diyaar u yahay Club World Cup. Real Madrid ayaa bilaabi doonta ololaheeda Koobka Adduunka ee Kooxaha 18-ka June iyagoo la ciyaaraya Al-Hilal. Waxay sidoo kale wajahayaan kooxaha Pachuca (Mexico) iyo Red Bull Salzburg (Austria) qeybta group-ka. Tartankaas ayaa socon doona ilaa 13-ka July.