Arsenal oo ka hartay Champions League kadib guuldaro ay kala kulantay PSG.


 Hammigii Arsenal ee ay ku doonaysay in ay gaarto finalka Champions League ayaa meesha ka baxay kaddib markii ay guuldarro 2-1 ah ah kala kulantay Paris Saint-Germain xilli habeen xiiso badan uu ka dhacay garoonka Parc des Princes.

Gunners ayaa dadaal ugu jirtay in ay ka soo kabsato guudaradii 1-0 ahayd ee lugtii hore, balse riyooyinkoodii ayaa burburay kaddib bandhig kale oo cajiib ah oo uu sameeyay goolhayahaa PSG, Gianluigi Donnarumma.

Goolgayaha reer Talyaani oo si heer sare ah ugu ciyaaray lugtii hore eee Emirates Stadium, ayaa markale ku celiyay bandhiggiisii oo kale isagoo sameeyay badbaadinooyin yaab leh si uu hor istaago weerarada Arsenal ee bilowgii ciyaarta.

Donnarumma waxaa uu badbaadin cajiib ah ka sameeyay kubad uu layimid Gabrial Martinelli, kaddibna waxaa uu si ka sii fiican ugu hortagay laad hoose oo fog oo uu ku tuuray Martin Odegaard.

PSG ayaa fursadaas ka faa-iiday waxayna hogaanka ciyaarta la wareegtay daqiiqadii 27-aad, kadib markii Fabian Ruiz uu qabatay kubad madax ugu saaray Thomas Partey, taasoo uu si qurux badan ugu toogtay meel 20-yard ah, iyadoo kubadda ay si yar ugu leexsaday David Raya.

Ciyaarta oo ahayd mid xiiso badan, DONNARUMMA ayaa markale sameeyay badbaadin cajiib ah isagoo ka hor istaagay gool Bukayo Saka, halka Raya uu isna badbaadiyay rigoore liidata oo uu tuuray Vitinha kaddib markii MYLES lewis-Skelly lagu helay inuu kubadda gacanta ku taabtay.

Thomas Partey ayaa qalad kale galay daqiiqadii 72-aad isagoo lumiyay   kubadda, tasoo keentay in Ashraf Hakimi uu si dhakhso leh ugu leexsado gool labaad oo PSG ah.

Paris Saint-Germain ayaa sidaas ugu gudubtay finalka Champions League, halkaas oo ay la kulmi soonaan Inter Milan ciyaarta kama dambaysta ah ee ka dhici doonta magaalada MUNICH. 

Post a Comment

0 Comments