Inter 4-3 Barcelona (7-6 wadarta guud): 4 godob oo muhiim ah kadib markii Nerazzurri ay iska xaadiriyeen finalka kadib ciyaar layaab leh oo lugtii labaad ah.
Kooxda Inter milan ayaa is xaadirisay finalka Champions League kadib markii ay guul 4-3 ah ka gaadhay Barcelona, taas oo wadarta guud ka dhigtay 7-6- waana mid kamid ah semi-finaladii ugu goolasha badnaa ee ebid lagu arkay tartankan.
Ciyaarta ayaa ahayd mid xiiso iyo xamaasad leh, iyadoo labada kooxood ay si buuxda u dagaalameen ilaa daqiiqadii ugu dambaysay. Inkasta oo uu qabay dhaawac yar, haddana weeraryahanka Inter ee Lautaro Martinez ayaa sameeyay bandhig cajiib ah, isagoo saameyn ku yeeshay natiijada kulunka.
Kulankan ayaa durba loo tixgelinayaa inuu ka mid yahay- hadii uusan ahayn- semi-finalka ugu wayn taariikhda Champions League, marka la eego tayada, goolasha,, iiyo xamaasadda ciyaarta.