Chelsea oo Hogaanka u Haysa Palmeiras 1–0 Wareegga Siddeeda ee Koobka Adduunka ee Kooxaha FIFA 2025 – La Soco Wararka Tooska ah Daqiiqad Daqiiqad!


 Chelsea ayaa haatan hoggaaminaysa Palmeiras 1–0 ciyaarta wareegga siddeeda ee Koobka Adduunka ee FIFA 2025 oo ka socota garoonka Lincoln Financial Field ee magaalada Philadelphia. Kooxda guuleysata ciyaartaan waxay u gudbi doontaa wareegga afar dhammaadka si ay ula ciyaarto kooxda reer Brazil ee Fluminense. La soco si toos ah oo daqiiqad-daqqiiqad ah wararka kulankan xiisaha leh!

Chelsea waxay usoo gudubtay heerkan kadib markii ay kaalinta labaad ka gashay Group D, iyadoo laga badiyay Flamengo balse guulo ka gaartay Esperance ST iyo Los Angeles FC. Wareegga 16-ka, Blues ayaa si awood leh 4–1 uga adkaatay Benfica.

Palmeiras dhankooda, waxay ku dhammaatay kaalinta koowaad ee Group A, iyadoo 7 dhibcood ka heshay 9 suurtogal ah. Kooxdii ay la ciyaareen waxaa ka mid ahaa Inter Miami, Porto, iyo Al Ahly. Taas ayaa u suurtagelisay inay u gudbaan wareegyada bug-baxa, halkaas oo ay guul adag 1–0 ah kaga gaareen Botafogo. Hadda, Palmeiras waxay doonaysaa inay la timaado lama filaan iyagoo raba inay garaacaan mid ka mid ah kooxaha ugu xooggan Ingiriiska.

La soco wararkii ugu dambeeyay iyo faahfaahinta ciyaarta – daqiiqad daqiiqad!

Previous Post Next Post