UEFA oo qirshaybaysa in ay wax ka beddesho Champions league si aysan mar kale u dhicin arinta Arsenal la kulantay

 UEFA ayaa qorshaynaysa inay wax ka bedesho habka tartanka Champions league si aysan udhicin markale xaladda ay haatanku jirto Arsenal oo lugta labaad ee afar dhamaadka marti ugu tahay Pris Saint-Germain, inkastoo ay ka mid ahayd kooxaha ugu sarreeya ee la kala reebay'

Arsenal ayaa kaalinta 3-aad kaga dhammeysatay heerka horyaalka ee 36-ka kooxood. waxayna ka mid ahayd siddeedda kooxood ee la beegay wareegyada bug-baxa.


laakiin sida uu hadda yahay nidaamka, jadwalka kulumada ayaa lagu go"aamiyaa isku-aadin furan, taasoo Arsenal ugu dhigan inay waayi karto faa'iido kasta oo ay ka heli lahayd bandhigyadoodii cajiibka ahaa ee wareegii hore.

Real Madrid ayaa horey loogu nasib baday inay lugta labaad ee wareega 8-da ku ciyaartogaroonkeeda Bernabeu, iayadoo ay Arenal weli ku badisay 5-1 guud ahaanlabadii luguud. Hase yeeshee, hadda Arsenal

waxay la tacaalaysaa sidii ay ubeddeli lahayd natiijadii 1-0 ee laga badiyay lugtii hore, inkastoo PSG ay ahayd kooxda 15-aad ee ka soo baxday heerka horyaalka.

Mas-uuliyiinta UEFA ayaa waday wadahadallo la xirira sidii loo beddeli lahaa xeerarka si kooxaha la beegay ay had iyo jeer garoonkooda ugu ciyaaraan illaa ay la kulmaan koox kale oo la beegay. Markaas, kooxda kaalinta sare kaga jirtay horyaalka ayaa heli doonta lugta labaad ee gurigooda.

Kooxda Mikel Artete waxay isku dayi doontaa inay ka soo baxsato hal gool oo laga badiyay lugtii hore.

BARCELONA ayaa la ciyaaraysa Inter Milan lugta labaad ee semi-finalka habeenka Talaadad kadib markii ay barbaro 3-3 ah kukala baxeen lugtii hore ee San SIRO.

Kooxda reer Spain ayaa Inter kaga dhammatay sare heerka horyaalka, balse waxay heliday lugta labaad ee gurigooda si keligood dhacaday (nasiib ahaan).

UEFA ayaa ku qanacsan qaabkii u goreeyay ee tartanka cusub ee CHAMPIONS LEAGUE, OO AY 36 kooxood ku tartameen hal miisaan, balse waxay u thay inay wax ka beddesho.

Mid kale oo ka mid ah fikradaha la tixgilanaayo ayaa ah in kooxaha kaalmaha sare kaga baxa heerka horyaalka la siiyo kooxaha ugu hooseeya ee ka soo gudba play-off-ka.

Liverpol-na wax badan kuma aysan faa-idin bandhiggoodii heerka ee tartanka.

Kooxda uu hogaamiyo Arne Slot ayaa kaalinta 1-aad kaga dhamaatay kadib markii ay ku guulaysteen toddobadii kulan ee ugu horeeyay, balse waxay kadib markii au wareegga 16-ka, waxaana laga reebay rigoorayaal kadib barbaro 1-1 ah.

Ibedel kale oo wayn oo la tixgelinayo ayaa ah in laga tago rigoorayaasha wareegyada isreeb-reebka ee go'aamiya sideeda koox ee ugu danbeeya, iyadoo kalkii lagu isticmaali lahaa in kooxda kaalinta sare kaga jirta heerka horyaalka la siiyo guusha hadii natiijada guud ay barbaro noqoto.

Post a Comment

0 Comments