Maxuu Bellingham Ka Yiri Nico Williams?

 Jude Bellingham iyo saaxiibadiisa Real Madrid waxay haystaan hal ujeedo oo cad — inay ku guuleystaan Koobka Adduunka ee Kooxaha si ay xilli ciyaareedka ugu soo xiraan koob caalami ah oo weyn. Haddii ay ka adkaadaan Borussia Dortmund, waxay u gudbi doonaan wareegga afar dhammaadka, halkaasoo ay la kulmi karaan midkood Paris Saint-Germain ama Bayern Munich — iyadoo la filayo afar dhammaad aad u adag oo taariikhi ah.

“Waa Fursad Dahabi ah,” ayuu Bellingham Yiri

Isagoo ka hadlayay ciyaarta la filayo ee wareegga siddeeda, Bellingham kama qarsan muhiimadda kulankan iyo waxa uu u dhigan karo kooxda Los Blancos.

"Waa muhiim maxaa yeelay xilli ciyaareedkan uma uusan fiicnayn sida loogu baahan yahay Real Madrid; waxaan ku guuleysanay koobab qaar, laakiin ma ahayn kuwa ugu waa weyn ee ay kooxda rabto. Hadda, waxaan haysanaa fursad weyn si aan u qaadno koob kale,” ayuu yiri Bellingham, sida laga soo xigtay wargeyska Marca.

Real Madrid waxay ciyaartan u soo galeysaa iyadoo ay taageerayaan rikoodhyo wanaagsan — waxay Dortmund ku garaaceen 2–0 ciyaartii kama dambaysta ahayd ee Champions League xilli ciyaareedkii 2023–2024. Bellingham oo u ciyaaray Dortmund intii u dhaxeysay 2020 ilaa 2023 ayaa si fiican u yaqaanna kooxdan Jarmalka.

“Waa koox firfircoon oo leh xawaare iyo xoog. Waxay leeyihiin ciyaartoy tayo leh oo doonaya inay xakameeyaan khadka dhexe,” ayuu yiri xiddiga reer England.



Maxuu Bellingham Ka Yiri Nico Williams?

Inkasta oo diiradda warbaahintu saarneyd diyaar garowga Real Madrid, su’aalo ma la’aaneed kama aysan harin Bellingham iyadoo la weydiiyay aragtidiisa ku saabsan dadaalkii fashilmay ee Barcelona ay u galeen saxiixa Nico Williams, kaasoo dhowaan qalinka ku duugay heshiis 10 sano ah oo uu kula joogi doono Athletic Club.

Williams wuxuu ahaa bartilmaameed kulul oo u dhaxeeyay Barcelona, Bayern Munich, Arsenal, iyo xitaa Real Madrid bilowgii xagaagan. Laakiin kadib markii Barcelona aysan awoodin inay isdiiwaangaliyaan xiddigan ama aysan dammaanad ka bixin qodobka bixitaanka (release clause), wakiilka Williams wuxuu ka baxay wadahadalladii, waxaana uu xiddigu doortay inuu daacad u ahaado kooxda Bilbao.

Bellingham si cad ayuu uga jawaabay markuu su’aashaas la weydiiyay. Jawaabtiisu waxay ahayd saddex eray:
"I don’t care"“Iima Qalanto.”

Wuxuu intaas ku daray:
“Ma aha arrin saameyn ku leh Real Madrid. Marka, arrintaas aniga iima furna. Maaha war ku saabsan Real Madrid,” ayuu ku adkeystay Bellingham mar kale oo uu la hadlayay Marca.


Arrinta Nico Williams waxay mar kale muujisay dhibaatooyinka maaliyadeed ee Barcelona. Madaxweynaha La Liga, Javier Tebas, ayaa dhawaan xaqiijiyay in kooxda aysan xitaa awoodi lahayn inay isdiiwaangaliyaan Williams xitaa haddii heshiis la gaaro. Waxaana ugu dambeyntii caqabad noqday qandaraaska cusub oo aan lahayn qodob xor ah oo bixitaan (release clause).

Previous Post Next Post