PSG oo guul muhiim ah ka gaartay Arsenal iyadoo Donnarumma uu ahaa geesiga ciyaarta

PSG oo guul muhiim ah ka gaartay Arsenal iyadoo Donnarumma uu ahaa geesiga ciyaarta
Paris Saint-Germain ayaa 1-0 hoggaan ah la aadeysa lugta labaad ee semi-finalka Champions League kadib markii ay guul muhiim ah ka gaareen Arsenal garoonka Emirates.

Jawigu wuxuu ahaa mid xiiso leh ka hor ciyaarta, iyadoo taageerayaasha Arsenal ay ka heleen cimilada wanaagsan iyo dareenka munaasabad weyn. Si kastaba, niyadooda waa yara jabtay daqiiqaddii 3-aad kadib markii Ousmane Dembele uu si qurux badan u dhammeystiray weerar dhakhso ah oo PSG ah.

30-ka daqiiqo ee hore, PSG waxay ciyaarayeen kubad aad u heer sareysa, taasoo Arsenal ay la qabsan weyday. Desire Doue ayaa qarka u saarnaa inuu dhaliyo gool labaad, balse David Raya ayaa sameeyay badbaadin cajiib ah.

Arsenal ayaa xoogaa ciyaarta dib ugu soo laabatay dhamaadka qeybta hore iyagoo helay fursado ay ugu weynayd tii uu helay Gabriel Martinelli, balse Gianluigi Donnarumma ayaa si geesinimo leh uga hor istaagay.

Kadib nasiinada, Mikel Merino ayaa u maleynayay inuu dhaliyay goolka barbaraha, balse VAR ayaa ka laabatay. Donnarumma mar kale ayaa sameeyay badbaadin layaab leh markii uu ka hor istaagay Leandro Trossard.

30-ka daqiiqo ee ugu dambeeyay PSG waxay si caqli badan u maareeyeen ciyaarta, iyagoo sidoo kale helay fursado ay ku dheereyn kareen hoggaanka. Inkasta oo ay ka faa’iideysan waayeen, tababare Luis Enrique ayaa ku faraxsan guushan ay ka keeneen London.


Qiimeynta Ciyaartoyda Arsenal (4-3-3)

  • GK: David Raya – 6.5

  • RB: Jurrien Timber – 6.5

  • CB: William Saliba – 6.6

  • CB: Jakub Kiwior – 6.4

  • LB: Myles Lewis-Skelly – 6.7

  • CM: Martin Odegaard – 6.3

  • CM: Mikel Merino – 6.7

  • CM: Declan Rice – 7.6

  • RW: Bukayo Saka – 6.2

  • ST: Leandro Trossard – 5.8

  • LW: Gabriel Martinelli – 6.0


Qiimeynta Ciyaartoyda PSG (4-3-3)

  • GK: Gianluigi Donnarumma8.6 (Ciyaaryahankii ugu fiicnaa)

  • RB: Achraf Hakimi – 6.8

  • CB: Marquinhos – 7.7

  • CB: William Pacho – 6.7

  • LB: Nuno Mendes – 7.6

  • CM: Vitinha – 6.7

  • CM: Joao Neves – 7.6

  • CM: Fabian Ruiz – 7.3

  • RW: Desire Doue – 7.2

  • ST: Ousmane Dembele – 7.4

  • LW: Khvicha Kvaratskhelia – 8.0


Goolhaye Gianluigi Donnarumma ayaa noqday geesiga ciyaarta kadib badbaadino muhiim ah oo uu sameeyay, taasoo PSG ka caawisay inay la baxaan natiijo muhiim ah kahor lugta labaad ee gurigooda

 

Post a Comment

0 Comments