Tababaraha Arsenal, Mikel Arteta, ayaa muujiyay niyad-jabkiisa kaddib markii kooxdiisu ay seegtay fursad ay ku yarayn lahayd farqiga ay Liverpool kaga dambeyso. Liverpool ayaa haatan hal dhibic u jirta inay gaarto bartilmaameedkeeda kaddib markii Arsenal ay labo jeer lumisay hogaanka ciyaartii ay 2-2 la galeen Crystal Palace Arbacadii.
Jakub Kiwior ayaa Arsenal u dhaliyay goolkii hore daqiiqaddii 3-aad, halka Leandro Trossard uu mar kale hogaanka u soo celiyay daqiiqadihii ugu dambeeyay qeybta hore, kadib barbareyntii uu sameeyay Eberechi Eze.
Si kastaba, Jean-Philippe Mateta ayaa ka faa’iideystay qalad uu sameeyay William Saliba, taasoo keentay barbareyntii 13-aad ee Arsenal xilli ciyaareedkan horyaalka, iyadoo haatan ka dambeysa Liverpool.
Arteta ayaa si muuqata uga xanaaqay maadaama tani ay ahayd barbareyntii 9-aad ee Arsenal ay gasho xilli ay ciyaarta hogaanka u hayso – laba ka badan koox kasta, waana rikoodh aan la arkin tan iyo Tottenham Hotspur xilli ciyaareedkii 2007-08.
"Natiijada iyo bandhigga labadaba waan ka niyad jabsanahay," ayuu yiri Arteta.
"Ma aanan helin joogteyn ku filan dhinacyo badan si aan u xukuno ciyaarta. Waxaan haysanay kubadda, waxaan hogaanka u qabanay labo jeer, balse ma aanan awoodin inaan ciyaarta qabsano oo aan u ciyaarno sida aan caadiyan u ciyaarno.
"Qaar ka mid ah meelaha ayaan ka hoos maray heerkii looga baahnaa. Markaad laba jeer hormarto xilli aadan heerkaaga ugu fiican joogin, waa inaad awood u yeelataa inaad ciyaarta xirto – annagu taas ma aanan sameynin, gaar ahaan goolka labaad. Waqtiyo badan ma aanan awoodin inaan ciyaaraha xirno, sababahaana waa dhowr, waxaana la tacaalayay farqi aad u yaryar.”
Liverpool ayaa Axadda soo socota martigelin doonta Tottenham Hotspur, iyadoo guul u baahan si ay ugu dabaaldegto hanashada horyaalka Premier League, si ka duwan markii ay koobka ku qaaday garoon madhan shan sano kahor.
Sababtoo ah Arsenal ayaa seegtay fursad ay guul ku gaarto, Liverpool waxay haatan fursad u haysataa inay xaflad horyaal ku dhigto Anfield – iyadoo ciyaar ka badan Arsenal, islamarkaana Tottenham ay la tacaalayso xilli ciyaareedkeedii ugu xumaa tan iyo 1977 haddii aysan sare u kicin.
0 Comments