Premier League oo shaacisay qorshaha lagu xusi doono Diogo Jota iyo walaalkiis Andre Silva ka hor dhammaan kulamada usbuucan.

 Premier League ayaa ku dhawaaqday qorsheyaal lagu maamuusi doono weeraryahankii Liverpool Diogo Jota iyo walaalkiis Andre Silva ka hor inta aan la ciyaarin dhammaan kulamada horyaalka ee toddobaadkan.


Maamulka Premier League ayaa wadahadallo la yeeshay Liverpool si loo helo habka ugu habboon ee lagu xusuusan karo weeraryahanka reer Portugal, kaas oo si murugo leh ugu geeriyooday shil gaari oo ka dhacay Spain isaga iyo walaalkiis 3-dii Luulyo. Marka lagu daro daqiiqad aamusnaan ah ka hor kulan kasta, dhammaan ciyaartoyda kooxaha ayaa xidhan doona suunno madow (black armbands), halka kooxaha sidoo kale la siin doono agab iyo muuqaal lagu soo bandhigi doono shaashadaha waaweyn ee garoomada.

Xus hore ayaa horey loogu sameeyay labada walaal ka hor kulankii Community Shield ee Axadii hore dhexmaray Liverpool iyo Crystal Palace garoonka Wembley, halkaas oo ubaxyo lagu dhigay garoonka iyo daqiiqad aamusnaan ah lagu qabtay ka hor bilowga ciyaarta.

Si kastaba, warbixinta Liverpool Echo ayaa sheegtay in tiro yar oo taageerayaal ah oo ka tirsan Crystal Palace ay jebiyeen aamusnaanta, taasoo keentay in laga jawaabo dhanka taageerayaasha Liverpool iyo xitaa taageerayaal kale oo Palace ah oo isku dayay inay aamusiyaan kuwa muujiyay ixtiraam la’aanta xilliga xuska.

Markii wax laga weydiiyay dhacdadan ka dib guuldarradii Wembley, tababare Arne Slot wuxuu yiri:

“Ma aaminsani in tani ay ahayd wax qorsheysan, ama in taageeraha buuqa sameeyay uu si ula kac ah u sameeyay. Waxaa laga yaabaa inuusan ogeyn in lagu jiray daqiiqadda aamusnaanta.
Wuxuu wali ku faraxsanaa kooxdiisa oo uu isku dayay inuu ku dhiirrigeliyo, markaas ayay taageerayaasha Palace isku dayeen inay aamusiyaan isaga ama iyaga, taasoo iyaduna buuq dhalisay. Kadib taageerayaasheena ayaa falceliyay iyagoo leh, ‘Maxaa halkan ka socda?’.
Sidaas darteed ma aaminsani in niyad xumo ku jirto, maxaa yeelay taageerayaasha Crystal Palace iyo kuwa kubadda cagta dunida oo dhan waxay si weyn ugu ixtiraameen Diogo iyo Andre. Tani waxay ahayd dhacdo nasiib darro ah, laakiin ma u maleynayo in la lahaa ujeeddo xun.”

Taageerayaasha Liverpool ayaa hore u muujiyay ixtiraamkooda iyagoo qaaday heesta caanka ah 'You'll Never Walk Alone' xilli ubaxyo loo soo qaaday garoonka, iyadoo la soo bandhigay calan caddaan ah oo ku qoran "Diogo J" oo leh sawirka weeraryahanka iyo lambarkiisa 20.

Halyeeyga gooldhalinta Liverpool Ian Rush, guddoomiyaha Crystal Palace Steve Parish iyo guddoomiyaha FA Debbie Hewitt ayaa ubaxyo dhigay qaybta taageerayaasha Liverpool, halka taageerayaasha labada koox ay istaageen si ay u muujiyaan ixtiraamkooda xilli sawirrada labada walaal lagu soo bandhigay shaashadda weyn ee garoonka.

Bishii hore, Liverpool waxay si rasmi ah u hawlgelisay (retired) lambarka 20 ee Jota si loogu maamuuso ciyaaryahanka.

Post a Comment

Previous Post Next Post