Real Madrid oo si adag uga soo horjeestay qorshaha lagu doonayo in lagu ciyaaro kulanka Villarreal iyo Barcelona ee La Liga gudaha Mareykanka.


 Real Madrid ayaa si adag uga soo horjeestay qorshaha lagu qabanayo kulanka Villarreal iyo Barcelona ee La Liga gudaha Mareykanka, iyagoo ku tilmaamay inuu “dejiyo tusaale aan la aqbali karin”.

Kulankan ayaa lagu wadaa inuu dhaco 21-ka Diseembar garoonka Villarreal ee Estadio de la Ceramica, balse xiriirka kubadda cagta Spain (RFEF) ayaa Isniintii ansixiyay soo jeedin ah in kulanka lagu qabto Mareykanka.

RFEF ayaa hadda doonaya inay oggolaansho ka hesho FIFA iyo UEFA si kulanka loogu wareejiyo garoonka Hard Rock Stadium ee Miami, kaas oo martigelin doona toddobo kulan oo ka mid ah Koobka Adduunka 2026.

Hase yeeshee, Real Madrid ayaa muujisay “diidmada ugu xooggan” ee ku aaddan qorshahan.

War-saxaafadeed ay soo saareen, ayay ku yiraahdeen:
“Haddii qorshahani hirgalo, saameyntiisa waxay noqon doontaa mid aad u weyn oo ka dhigan ka hor iyo ka dib dunida kubadda cagta.”

Ururka taageerayaasha kubadda cagta Spain (FASFE) ayaa sidoo kale ku biiray kooxaha taageerayaasha Barcelona iyo Villarreal, iyagoo caddeeyay inay si adag uga soo horjeedaan qorshahan, islamarkaana ay qaadi doonaan “tallaabo sharci ah” haddii la fuliyo.

Si kastaba, madaxweynaha Villarreal Fernando Roig ayaa u sheegay bogga rasmiga ah ee kooxda in fursadda Mareykanka ay tahay mid ay “qasab tahay inay ka faa’iidaystaan”.

Wuxuu yiri:
“Waa inaan ballaarinnaa sumcadda kubaddeena iyo midda Villarreal CF. Kooxo badan ayaa isku raacsan in loo baahan yahay in la caalamiyeysiiyo oo la raadiyo fursado dhaqaale oo badan si aan ugu soo dhowaanno horyaallada kale sida Premier League.”

Sharciyada FIFA ee hadda jira ma oggola in ciyaaraha horyaalka gudaha lagu qabto dibadda, balse sanadkii hore waxay sameeyeen guddi shaqo oo baaraya arrintan.

Sanadkii hore, La Liga waxay dooneysay in kulanka Barcelona iyo Atletico Madrid lagu qabto Miami, balse way ka tanaasuleen sababo waqti la xiriira.

Real Madrid, oo haysata rikoodhka 36 horyaal oo La Liga ah, ayaa sheegtay in Villarreal oo ku ciyaaraysa kulankooda garoon ka baxsan hoygooda ay tahay “in la beddelayo dheelitirka tartanka lana siinayo faa’iido ciyaareed oo aan cadaalad ahayn kooxaha codsiga gudbiyay.”

Barcelona ayaa lagu wadaa inay martigeliso Villarreal garoonka Nou Camp 1-da Maarso, 2026.

Real Madrid ayaa intaas ku dartay:
“Daacadnimada tartanka waxay u baahan tahay in dhammaan kulamada lagu qabto xaalado isku mid ah oo u siman dhammaan kooxaha. Isbeddel lagu sameeyo nidaamkan si keligiis ah wuxuu jebinayaa sinnaanta u dhaxeysa kooxaha, wuxuu dhaawacayaa sharciyadda natiijooyinka wuxuuna dejinayaa tusaale aan la aqbali karin oo albaabka u furaya in laga leexdo danaha cayaaraha, taas oo halis ku ah nadiifnimada tartanka.”

Kooxdu waxay sheegtay inay ka codsatay FIFA inaysan ansixin qabashada kulanka ilaa oggolaanshaha dhammaan kooxaha La Liga la helo, waxayna ka codsatay UEFA inay ku cadaadiso RFEF in ay ka laabato codsiga.

Sanadooyinkii ugu dambeeyay, ciyaaro hal mar ah oo gaar ah sida Super Cup-ka Talyaaniga iyo kan Spain ayaa lagu qabtay dibadda.

Iyadoo garoonka San Siro uu martigelinayo xafladda furitaanka Ciyaaraha Olombikada Jiilaalka bisha Febraayo, AC Milan ayaa rajeynaysa inay ciyaarta Serie A ee ay la leeyihiin Como ku ciyaarto magaalada Perth ee dalka Australia, maadaama labada dhacdo ay isku beegmeen.

Si kastaba, qorshahani weli ma helin oggolaansho ka imanaya FIFA, UEFA, Football Australia iyo xiriirka kubadda cagta Aasiya (AFC).

Post a Comment

Previous Post Next Post