Xidhiidhka Kubadda Cagta ee Boqortooyada Isbaanishka (RFEF) ayaa ansixisay codsi taariikhi ah oo muran dhalin kara oo ay soo gudbiyeen Barcelona iyo Villarreal.

 


Xidhiidhka Kubadda Cagta ee Boqortooyada Isbaanishka (RFEF) ayaa ansixisay codsi taariikhi ah oo muran dhalin kara oo ay soo gudbiyeen Barcelona iyo Villarreal si kulan ka tirsan horyaalka La Liga loogu ciyaaro gudaha Mareykanka.

War-saxaafadeed ay soo saartay RFEF Isniintii ayay ku sheegtay in markii ugu horraysay ay codsigan heshay 21-kii Diseembar, kaas oo ahaa rabitaanka labada kooxood ee ah in kulankooda — oo jadwalka hadda lagu qabto garoonka Villarreal ee Estadio de la Cerámica — loo raro Mareykanka bisha Agoosto.

Hadda waxaa codsiga ansixiyay guddiga RFEF, waxaana tallaabada xigta ah in la helo ogolaanshaha hay’adda kubadda cagta Yurub UEFA iyo hay’adda kubadda cagta adduunka FIFA. Sidoo kale waa in ay ansixiyaan CONCACAF (oo ah ururka maamulka kubadda cagta ee Waqooyiga, Bartamaha iyo Kariibiyaanka) iyo sidoo kale ururka kubadda cagta Mareykanka U.S. Soccer, sida uu sheegay warbixin ka timid Sky Sports News.

   Haddii codsiga la ansixiyo, kulanka waxaa lagu qaban doonaa Hard Rock Stadium ee magaalada Miami 20-ka Diseembar. Garoonkan waa hoyga kooxda NFL-ka ee Miami Dolphins iyo tartanka F1 ee Miami Grand Prix. Tani waxay noqon doontaa markii ugu horraysay ee kulan La Liga ah lagu ciyaaro dhul shisheeye.

Si lama filaan ah, warkan waxa uu dhalisay falcelin kulul oo ka timid taageerayaasha kubadda cagta ee baraha bulshada, iyadoo mid ka mid ah uu sheegay:

"Barcelona waxay rabtaa inay burburiso kubadda cagta."

Mid kale ayaa yiri:

"Waxay meesha ka saaraysaa tartanka oo dhan. Fikrad aad u xun."

Ciyaaryahan taageere ah ayaa ku daray:

"In laga safro Yurub ilaa Mareykanka hal kulan awgiis ma lahan wax macno ah. Waxaan fahamsanahay in kubadda cagta ay rabto inay gasho suuqyada Mareykanka, laakiin dadkaas ma xiiseynayaan kubadda cagta aad xoog ku gelinaysaan. Maxaa loogu qaadi waayay London oo uu dalabkoodu ka badan yahay?"

Mid kale ayaa uga digay Premier League:

"Ha ka fikirina inaad sidan sameysaan @premierleague."

Waxaa jira cabsi ah in Premier League ay isku dayi karto tallaabo la mid ah, hase yeeshee hadal uu bixiyay Tony Scholes, oo ah sarkaalka kubadda cagta ugu sarreeya Premier League bishii Febraayo, ayaa yareeyay shakigaas. Scholes ayaa u sheegay Front Office Sports:

"Ma lihin xiiso aan ku ciyaarno kulamada horyaalka (xilli-ciyaareed caadi ah) meel ka baxsan dalka. Arrintaas ajandaha naguma jirto, waxna kama wada hadleyno."

Waxa uu ku daray:

"Ma aragno baahi aan ugu nimaadno Mareykanka xilli-ciyaareedkiisa rasmiga ah, waxaana fahmi doontaan caqabadaha ay keeni karto arrintaas gudaha UK."

Haddii Barcelona iyo Villarreal ay helaan ogolaansho dhammeystiran, kulanka lagu ciyaari doono Mareykanka wuxuu noqon doonaa dhacdadii ugu dambeysay ee kubadda cagta heer caalami lagu qabto Waqooyiga Ameerika, xilli gobolka uu ku jiro waqti kubadeed aad u weyn.

Kadib Club World Cup-kii ugu dambeeyay oo ay Chelsea ku guuleysatay, waxaa xiga Koobka Adduunka ragga 2026 oo lagu qaban doono Mareykanka, Mexico iyo Kanada. Sidoo kale, Xulka Qaranka Haweenka Mareykanka ayaa difaacan doona billadda dahabka ee Olombikada ee Los Angeles 2028, ka hor inta aysan dib ugu laabanin Koobka Adduunka ee 2031 oo lagu qaban doono Mareykanka iyo Mexico.

Post a Comment

Previous Post Next Post