waxay xirnaayeen Kitaab tabar cusub oo leh magaca taageere cusub, oo ka yimid
Wasaaradda Ciyaaraha ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga kongo. Ololaha cusub, oo lagu
magacaabay "R.D.Congo, the Herat of Africa ". ayaa ujeedadiisu tahay in la xoojiyo
dhaqanka ciyaaraha ee dalka Kongo iyo la helo "messi reer kongo."
FAAHFAAHIN HESHIISHKA
heshiiskam ayaa la dhamaystiray 30-kii Luulyo, waxaana la sheegay inuu u qalmo ku
dhawaad €10 Mlyan xilli ciyaareedkiiba muddo afarta sano ee soo socota. Sida ay
sheegayaan warbaahinta caalamiga ah, taageeradani waxay ka kooban tahay:
* Bandhigga magaca R.D.Congo rr kitaabka tababarka ciyaartoyda.
* Iskaashi ballaaran oo ku saabsan barnaamijyada shalinyarada iyo mashaariicda
ciyaarha.
UJEEDADA DHALINYARADA REER COMGO
Diedier Budimbu, Wasiirka Ciyaaraha ee Congo, ayaa sharaxay hadafka dhabta ah;
"waxaan maalgashanay Barcelona si aan u e helno Messi reer Congo. Diiradda ugu weyn
waa tababar iyo horuma. kaliya kitaabku waa dheeraad. Haddii aan ka helno Messi 50-
ka dhalinyaro ee reer Congo ee dhawaan ka qeyb geli doona afar tababar oo Brcelona
ah Spain, fikirka saamaynta ayaa weyn."
Budimbu wuxuu sidoo kale cadeeyay in mashruucu uu ka weyn yahay suu-geyn, wuxuuna
ujeeddadiisu tahay in dhalinyarada reer Congo ay helaan tababar heer sare ah iyo
fursado beddeli kara mustaqbalka kubadda cagta ee gobolka.
FAA'IDOOYINKA LABADA DHINAC
*Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Kongo;
* helitaanka VIP space ee Camp Nou oo loogu talagalay dhacddyin gaar ah,
* xuquuqda lagu martigeliyo hal kulan sanadle ah Camp Nou marka garoonka si
buuxda loo furo.
* Barcelona
* Heshiis maal-ganacsi oo muddo dheer ah.
* Balaadhinta saameynta Kooxda ee Africa, oo ah suuq ciyaaraha iyo nabad-
markaana sii kodhaya.
* Taageeridda barnaamijyada dhalinyarada, horumarinta ciyaaraha, iyo nabad-
dhisidda ee Congo, sida uu qorsheeyay Joan Loporta.
Heshiiskan cusub wuxuu calaamad u yahay xiriirro caalami ah oo cusub oo Barcelona la
smaynayso. isagoo ka tarjumaya isbeddelka guud ee Kooxaha Kubadda cagta ee doonaya
inay fursado ka helaan suuqyada soo koraya. Waxay sidoo kale ,uujinaysaa sida kubadda cagta u noqon karto buundo dhaqan iyo horumar dhalinyarada iyo bulshada.