Federico Chiesa oo Liverpool usheegay inuu sii joogi doono.
Grabka reer Italy Federico Chiesa ayaa si cad Liverpool ugu sheegay inuu sii joogo kooxda xilli ciyaareedka cusub, onkasta oo si joogto ah loogu xamanayay inuu dib ugu laabanayo horyaalka Sarie a ee italy.
Chiesa oo 27 jir ah ayaa xilli ciyaarekii hore ku shibtooday dhaawacyo badan taas oo sababtay inuu kaliya ciyaaro 14 kulan taratmada oo dhan, taasoo ka dhigtay mid booskiisa ku waaya safka koowaad ee Anfield.
SAAMEYNA DHAAWACYADII XILLI CIYAAREEDKII HORE
Chiesa waxa uu ahaa saxiix muhiim ah oo Liverpool lasoo wareegtay xagaagi hore, balse dhaawacyada soo noqnoqda ayaa hor istaagay in uu saameyn muuqata ku yeesho kooxdiisa.
Si kastaba, inkasta oo uu xilli ciyaareedkiisii koowaad ku qaatay hoos u dhac, haddana bandhigii uu sameeyay kulankii furitaanka Premier League ee reds ay 4-2 kaga badiyeen Bournemouth----isagoo dhaliyay goolka guusha -----ayaa muujiniya inuu diyaar u yahay inuu soo celiyo qaab ciyaareedkiisii hore.
LOUIS DIAZ OO BAXAY & FURSADDA CUSUB EE CHIESA
Bixitaanka Louis Diaz ee ku biirat Bayern Munich ayaa ah sababta ugu wayn ee Chiesa u go'aansaday inuu sii joogo. Diaz iyo Cody Gakpo ayaa ka horeeyay booska garabka bidix , laakin dhaqaaqii Diaz ee Bundisliga ayaa fursad weyn u abuuraya Chieasa.
Tababaraha cusub ee Arne Slot ayaa kalsooni wayn ku qaba lambarka 14-aad ee Liverpool, isagoo aaminsan in ciyaaryahanka reer Italy uu door muhiim ah ka ciyaari doono qorshahiisa xilli ciyaareedka 20225-2026.