Wayne Rooney ayaa sheegay in Yoane Wissa ka saarista dhammaan Brenford'
Newcastle ayaa laga diiday salab 40 milyan oo ginni ah oo ay ka godbiyeen Wissa, halka
kooxdaasi ay weli dhex taagan tahay xiisad ku saabsan mustaqbalka weeraryahankooda
Alexander Isak.
Rooney oo ka hadlayay barnaamijkiisa cusub ee The Wayne Rooney Shaw ee BBC ayaayiri:
"anigu haddaan ciyaaryahan Newcastle ahay ma doonayo Isak inuu soo laabto."
wuxuu raaciyay:
"haddii ciyaaryahan doonayo inuu ka tago koo-taas way dhacdaa mar walba- waa in
uu si xushmad leh u sameeyaa.
Ma geli kartid shaqo-joojin, ma seegi kartid tababarka, waa inaas joogtaa garabka
saaxiibada oo diyaar u ahaataa hadii lagu haddi lagu baahdo."
Rooney wuxuu sidaas sheegay ka hor inta isak uusan soo saarin qoraal uu ku sheegay in "ballanqaadyo la jebiyay isla markaana kalsooni la waayay", isagoo weli doonaya inuu ku biiro Liverpool.
Weeraryahankii hore ee England iyo Manchester United ayaa ku adkaystay:
"aniga ahaan, ma arko waddo uu Isak ugu soo laaban karo Newcastle. Waxaa laga yabaa xaalado kale in ay dhacaan, balse aniga ahaan ma aqbali karo inuu qof sidan sameeyo. Saaxiibadiisii kooxda ma jeclaan lahaayeen inuu noqdo."
Rooney ayaa ku celiyay in ciyaaryahan kasta xaq u leeyahay inuu codsado bixitaan, laakiin waa inuu ahaadaa mid xirfadaysan:
"waxaa jira taageerayaal lacag badan ku bixiya kooxda, waxaa jira asxaabtaada garoonka kula jirta-taaina maaha wax lagu qoslo. haddii uu mar sidaas sameeyo, wuu mar labaadsamayn dooaa."
xiisadda Isak Iyo wissa
waxaa hadda laga joogaa 19 maalmood tan iyo markii Newcastle ay diideen dalbkii 110
milyan ginni ee Liverpool ka gudbisay Isak. BBC Sport ayaa fahamsan in weeraryahanka reer Sweden uu aaminsanaa in loo oggolaan doono inuu baxo haddi koox weyn dalab sax ah keento.
Dhanka kale Wissa oo horey ugu baxay xero tababarka Brenford, isla markaana laga reebay ciyaartii ay 3-1 ku waayeen Nottingham Forest, ayaa doonaya inuu ku biiro Newcastle.
Wuxuu tirtiray Xiriirkiisii Instagram ee Brentford, arrintaas oo Rooney ku tilmaamay:
"xaalad xun oo ka sii daran tii Isak. Kooxdaasi ayaa kaa caawisay inaad ciyaaryahan weyn noqoto, inaad sidaas ku tirtirt sawirradoodii iyo magacaagii waa wax laga xumaado.
Waxaan u arkaa ciyaartoyda qaar inay u Dhaqmaan sida carruur ama in si xun loogu talo bixiyay. Waqtiyadan badan aabe ama walaal ayaa noqda wakiil, laakiin go"aanka saxda ah mar walba maaha mid ka imaanaya dhinaca ciyaaryahanka. Sidaa darteed waa wax laga niyad jabo in la arko dhaqankiisa."