Kooxaha Arsenal iyo Paris Saint-Germain ayaa galay muran ka baxsan garoonka maalmo uun ka hor inta aysan isku arag semi-finalka Champions League oo ka dhacaya garoonka Emirates, sida laga soo xigtay warbixinno cusub.
PSG ayaa u safreysa London Talaadada soo socota si ay u ciyaaraan lugta hore ee semi-finalka, halka lugta labaad lagu ciyaari doono Paris muddo sideed maalmood ah kadib.
Arsenal ayaa horay si fudud ugu garaacday PSG 2-0 kulankii wareegga group-yada ee bishii October, balse kooxda Luis Enrique ayaa hadda noqotay mid adag, kadib markii ay ka takhalustay Brest, Liverpool, iyo Aston Villa wareegyada is xiga ee tartanka.
Inkastoo ciyaarta la filayo inay noqoto mid adag oo xiiso leh, haddana waxaa jira muran ka baxsan garoonka oo u dhexeeya labada kooxood.
Muran ka dhashay tirada tigidhada la siiyay PSG
Wararka ka imaanaya Faransiiska ayaa sheegaya in PSG la siiyay kaliya 2,500 tigidh oo taageerayaashooda loogu talagalay lugta hore ee ciyaarta Emirates, halka kulankii hore ee bishii October ay heleen 3,000 tigidh.
Sharciga UEFA wuxuu dhigayaa in 5% ka mid ah awoodda garoonka loo qoondeeyo taageerayaasha martida ah, laakiin 2,500 tigidh waxay u dhigantaa kaliya 4%, taas oo ah wax ka yar wixii sharcigu tilmaamay, waxayna taasi dhalisay caro.
PSG ayaa doonaysay in la siiyo 500 tigidh oo dheeri ah, laakiin Arsenal ayaa dalabkaas diiday, sida ay sheegtay L’Équipe. Arsenal waxay ku doodday in arrintan ay la xiriirto sababo amni, gaar ahaan iyadoo magaalada London lagu qabanayo Marathon laba maalmood ka hor ciyaarta.
PSG waxay arrintaas ku tilmaantay mid aan ahayn “fair play”, waxayna cabasho rasmi ah u gudbiyeen UEFA si ay ugu helaan 3,000 tigidh oo ay xaq u leeyihiin.
Waxaa sidoo kale la sheegaya in PSG ay ka fiirsanayso inay racfaan kale qaadato haddii UEFA aysan wax ka qaban go’aanka Arsenal ka hor Talaadada.
0 Comments