Goolhayaha Barcelona Wojciech Szczesny oo ka hadlay sigaarka: "Ha iga dayanina, waan la haray caado xun"
Goolhayaha kooxda Barcelona Wojciech Szczesny ayaa u sheegay ESPN inuu si buuxda ugu guuldareystay dagaalkii uu kula jiray sigaarka, isaga oo dadka kale ka codsaday in aysan ku dayan.
Szczesny, oo 35 jir ah, ayaa noqday mid si weyn u kasbaday taageerayaasha Barça tan iyo markii uu ka fariistay ciyaaraha balse dib ugu soo laabtay bishii October, isagoo kaliya hal guuldarro la kulmay 25 kulan oo uu saftay — taasoo ahayd kulankii Champions League ee ay la ciyaareen Borussia Dortmund usbuucii hore.
Taageerayaashu waxay si joogto ah u heesaan “Szczesny fumador” (Szczesny sigaarka cabba) ciyaaraha, tan oo ka dhalatay daacadnimadiisa uu ku muujiyay inuu sigaarka cabo tan iyo markii uu kooxda ku biiray.
Laakiin inkasta oo uu si furan uga hadlo mawduuca, Szczesny wuxuu si cad u sheegay in sigaarku yahay caado taban oo aan la dayanin.
"Qaar ka mid ah arrimaha ciyaarta kubadda cagta waxaan rumeysanahay in aan tusaale fiican u noqon karo dhalinyarada, ama xitaa xiddigaha aan garoonka wadaagno," ayuu u sheegay ESPN.
"Laakiin waxaa jira waxyaabo kale oo aanan tusaale fiican ka ahayn. Qaar ka mid ahna waan ku guuldareystay. Hadana waxaan isku dayaa inaan noqdo nooca ugu wanaagsan ee aan noqon karo, si aan u tuso ciyaartoyda kale iyo carruurta nagu dayata tusaale sax ah.
"Laakiin marka laga hadlayo sigaarka, fadlan ha igu dayanina. Anigu wuu iga adkaaday. Markii aan aad u yaraa ayaan bilaabay caado aad u xun, waan ogahay inay xun tahay, balse hadda wuu iga adkaaday. Marka qof kasta oo daawanaya: ha samayn wixii anigu sameeyay.”
Szczesny wuxuu sheegay in aysan caadi ahayn ciyaartoyda casriga ah inay si toos ah uga hadlaan cabidda sigaarka ama cabitaanka khamriga.
"Sababta aan uga hadlo? Waxaan filayaa sababtu waxay tahay inaanan ahayn siyaasi,” ayuu yidhi.
"Waxaan ahay goolhaye. Shaqadaydu waa inaan kubadda qabto oo lug ku bixiyo. Waxaa fudud in had iyo jeer runta laga hadlo halkii laga been sheegi lahaa wareysiyada. Haddii aad i weydiiso su’aal, si daacad ah ayaan uga jawaabayaa. Haa, waan cabbaa sigaarka, laakiin waxaan jeclaan lahaa in aan la i weydiin sababtoo ah ma doonayo inaan tusaale xun noqdo.”
Tan iyo markii uu kooxda kusoo biiray, Szczesny wuxuu 13 kulan shabaqa nadiif kusoo xirtay, isaga oo kaalin muhiim ah ka qaatay guulaha kooxda ee tartamada kala duwan.
Barcelona ayaa hadda afar dhibcood ku hogaamineysa LaLiga, waxayna la ciyaari doonaan Real Madrid finalka Copa del Rey ee ka dhici doona Seville Sabtida.
Intaa kadib, Barça ayaa wejihi doonta Inter Milan lugaha semi-finalka Champions League.
Inkastoo uu qayb weyn ka qaatay guulaha, Szczesny ayaa isagu hadalkiisa hoos u dhigay, isagoo xitaa kaftamay sida ay ciyaartoydiisa uga dhigeen shaqada mid u fudud.
"Waxaan u maleynayaa in qayb weyn ay tahay nasiib,” ayuu yiri.
"Kaalintaydu wax weyn kuma kordhin guulaha kooxda. Kooxdu si fiican ayay u ciyaareysaa, goolal ayay dhalinayaan. Aniga shaqadaydu waxay tahay inaanan waxba u dhimin. Waqti fiican ayaan ku soo beegmay.
"Sida ay u difaacaan ayaa shaqadayda fududeysay. Wax walba ayay xiraan, daafac adag ayay yihiin, markaas anigu waxaan si fudud u oran karaa – si kaftan ah – ‘waan dhuxuli karaa sigaarka.”
0 Comments