Barcelona vs Real Madrid: Khilaafka Garsoorka Finalka Copa del Rey oo La Sharaxay

Diyaar garowga finalka Copa del Rey ee u dhexeeya Barcelona iyo Real Madrid ayaa si lama filaan ah isku beddelay khilaaf maalmo ka hor kulanka, kaasoo la qaban doono Sabtida, 26-ka April. Real Madrid ayaa si kulul u cambaareysay garsoorayaasha loo xushay inay maamulaan finalka, iyagoo ku eedeeyay inay "cadaawad iyo xumaan" u hayaan kooxda.


Real Madrid ayaa ku boorrisay Xiriirka Kubadda Cagta Spain (RFEF) inuu tallaabo ka qaado garsoorayaasha, waxaana ay xataa qaadaceen shirkii jaraa’id ee caadiga ahaa ee ka horreeya finalka. Khilaafku wuxuu cirka isku shareeray markii garsooraha Ricardo de Burgos Bengoetxea uu qabtay shir jaraa’id oo dareen badan ka muuqday, halkaas oo uu si cad ugu eedeeyay Real Madrid TV inay si gaar ah u beegsatay go'aamadii uu horey u qaatay garoonka dhexdiisa.

De Burgos wuxuu muujiyay sida ay uga xumaatay weerarkaasi, isagoo yiri:
"Marka ilmuhu uu dugsiga tago oo saaxiibbadiis ku yiraahdaan 'aabbahaa waa tuug', waxa ay dhaawacaysaa naftaada."

Wuxuu sii watay isagoo xusay inuu isku dayo inuu wiilkiisa baro in aabbihiis yahay qof daacad ah, in kastoo uu qalad sameeyo mararka qaar sida ciyaartooyo kaleba:
"Aad bay u adag tahay, ma jirto qof aan kula talin lahaa inuu qabsado shaqadan. Kuma habboona waxa aanu la kulmayno aniga iyo asxaab badan oo garsoorayaal ah. Waa in qof walba ka fikiraa waxa aan ka rabno ciyaaraha iyo kubadda cagta."

Garsoorayaasha: "Ma Sii Aqbali Doono"

Pablo Gonzalez Fuertes, oo ah garsooraha VAR ee finalka, kana fadhiya agagaarka De Burgos, ayaa sheegay inay garsoorayaashu qaadi doonaan tallaabo degdeg ah maadaama ay la kulmayaan cadaadis joogto ah.

Wuxuu yiri:
"Maalmo yar gudaheed waad maqli doontaan. Waxaan qarka u saaran nahay taariikh samayn. Ma sii aqbali doonno waxa nalagu hayo. Shaqo joojin? War naga sug dhowaan."

Real Madrid oo Jawaabtay

Real Madrid ayaa si degdeg ah uga falcelisay hadalladii ka soo baxay garsoorayaasha, iyadoo Jimcihii warsaxaafadeed ku sheegtay in hadalladaasi ay ahaayeen kuwo "cabsi gelin" ah.

Madrid waxay intaas ku dartay in shirkii jaraa’id uu ahaa "mid ka fog mabaadi’da sinaanta, dhexdhexaadnimada iyo caddaaladda ee ay tahay inay ka shaqeeyaan garsoorayaasha, gaar ahaan saacado kooban ka hor dhacdo weyn."

Barcelona Oo Hadashay

Tababaraha Barcelona, Hansi Flick, ayaa Jimcihii sheegay in la ilaaliyo sharafka iyo nabadgalyada garsoorayaasha:

"Aniga ahaan, kubaddu waa ciyaar, waa isboorti oo kaliya. Waa masuuliyaddayada inaan ilaalino dhammaan dadka ka qeyb qaadanaya ciyaarta, oo ay ku jiraan garsoorayaasha," ayuu yiri Flick.

Bishii Febraayo, RFEF ayaa muujisay welwelka garsoorayaasha ee ku aaddan aflagaadeynta, gaar ahaan kiiskii Jose Munuera Montero oo dhaleeceyn ballaaran la kulmay kadib markii uu casaanka siiyay ciyaaryahanka Real Madrid ee Jude Bellingham.

Sidoo kale, todobaadyo ka hor, Real Madrid ayaa cabasho rasmi ah u gudbisay xiriirka kubadda cagta Spain kadib markii ay guuldarro 1-0 ah kala kulmeen Espanyol. 

Post a Comment

0 Comments