Warbixin: Warka ku saabsan heshiiska Manchester United & Viktor Gyokeres waa mid aan run ahayn

 

Warbixin cusub ayaa si cad u sheegtay in hadal-heynta ku saabsan heshiis rasmi ah oo dhex maray Manchester United iyo Sporting CP si ay u helaan weeraryahanka Viktor Gyokeres ay tahay mid aad u hor dhac ah.

Gyokeres ayaa si weyn loo doonayaa, waxaana raadkiisa haya kooxo badan oo waa weyn oo Yurub ah kuwaasoo raadinaya weeraryahan cusub xagaagan. Kooxda Barcelona ayaa lagu xusay, inkastoo laga cabsi qabo inay la kulmaan dhibaatooyin dhaqaale si ay u bixiyaan qiimaha lagu doonayo – kaasoo lagu qiyaasay ugu yaraan €60m (£50.2m).

Kooxda Chelsea ayaa sidoo kale lagu sheegay inay xiiseynayso, halka Arsenal loo arko inay tahay doorashada koowaad ee Gyokeres – sababtuna ay tahay dammaanadda ay u hayaan ciyaarista Champions League.

Dhanka Manchester United, lama hubo inay ka qeyb gali doonaan tartanka ugu weyn ee naadiyada Yurub xilli ciyaareedka dambe. Xaqiiqdii, waddada kaliya ee ay ugu biiri karaan Champions League waa iyagoo ku guuleysta Europa League. Si kastaba, warar hore ayaa sheegay in Gyokeres uu horey heshiis ula gaaray United – balse Sky Sport Germany ayaa arrintaas si buuxda u beenisay.

Warbixinta ayaa sheegtay in inkasta oo tababaraha United ee Ruben Amorim uu si weyn u xiiseynayo ciyaaryahanka uu horey u layliyay, oo ay jireen "wadahadallo dhab ah", aysan jirin wax heshiis ah oo la gaaray illaa hadda.

Xitaa warbixintu waxay tilmaantay in Gyokeres uusan diyaar u ahayn inuu ku biiro koox sida United oo kale ah oo ku jirta xilli ciyaareedkoodii ugu liitay sannadihii ugu dambeeyay.

Arrinta dhaqaale ayaa sidoo kale muhiim ah – United waxa la sheegayaa inay hadda xoogga saarayaan ciyaartoy da’yar oo leh karti koritaan, isla markaana aan la iman doonin mushaar iyo qiimo sare. Tani waxay sababtay in kooxda ay bartilmaameedsato weeraryahanka Liam Delap ee kooxda Ipswich Town, kaasoo lagu heli karo kaliya £30m.

Waxaa la fahamsan yahay in United ay isku dayeyso inay iska iibiso Rasmus Hojlund, kaasoo xilli ciyaareedkan dhaliyay 9 gool oo kaliya dhamaan tartamada – taasoo ka yar goolasha uu Gyokeres dhaliyay shantii kulan ee ugu dambeysay.

Wararka ugu dambeeya ayaa sheegaya in United ay diyaar u tahay inay Hojlund ku iibiso qiimo dhan £30m, taasoo u dhiganta qiimaha Delap – balse aan xitaa ka dhawaajin lacagta lagu heli karo Gyokeres.

Post a Comment

0 Comments