Warbixin cusub ayaa daaha ka qaaday in Amad Diallo uu toddobaadka dambe kusoo laaban doono tababarka Manchester United, kaddib markuu si “rekoodh ah” uga soo kabtay dhaawac canqowga ka soo gaaray.
Amad ayaa dhaawacmay bishii Febraayo, iyadoo markiiba la shaaciyay in uu uusan mar dambe ciyaari doonin inta ka dhiman xilli-ciyaareedka. Si kastaba, wararkii ugu dambeeyay ee kasoo baxay kooxda iyo tababaraha Ruben Amorim ayaa rajo cusub siiyay taageerayaasha, taasoo muujineysa in Amad uu kasoo noqon karo dhaawaca ka hor inta aysan xilli-ciyaareedku dhamaan.
Soo laabashadiisa ayaa hadda u muuqata mid aad ugu dhow, iyadoo uu weriyaha suuqyada kala iibsiga Fabrizio Romano sheegay in Amad uu la midoobi doono tababarka kooxda asbuuca dambe.
Waxaa la sheegaya in Amad uu si lama filaan ah “ugu bogsaday si rekoodh ah,” isagoo dadaal ugu jira inuu kooxda ka caawiyo toddobaadyada u dambeeya ee xilli-ciyaareedka.
Laacibka reer Ivory Coast ayaan ciyaarin muddo ka badan laba bilood, waxaana laga yaabaa in uu qaato waqti si uu u gaaro heer buuxa oo taam ah. Tababare Amorim ayaa aad u taxaddari doona, mana u badna in uu khatar galo, maadaama uu hore u qiray in diiradda kooxda aysan saarneyn kulamada Premier League.
“Ma aha xilliga ugu fiican ama xilli-ciyaareedkii ugu habboonaa in la siiyo fursad ciyaartoy da’yar ah, sababtoo ah waxay u baahan yihiin saldhig adag si ay u muujiyaan kartidooda, balse waqtigan xaadirka ah waa inaan sameynaa,” ayuu yiri Ruben Amorim kaddib markii uu xaqiijiyay in United ay u gudubtay semi-finalka Europa League.
Amorim wuxuu doonayaa in Amad uu si buuxda ugu diyaar noqdo safarka Europa League ee United. Lugta hore ee semi-finalka oo ay la ciyaarayaan Athletic Club 1-da May ayaa u badan in ay ku soo deg degto Amad, balse waxaa la filan karaa inuu diyaar noqdo lugta labaad oo dhacaysa toddobaad kaddib.
Finalka tartanka Europa League oo la ciyaari doono 21-ka May ayaa noqon kara fursad uu Amad si buuxda ugu soo laabto safka hore, iyadoo kooxdu ay la ciyaari doonto midkood Tottenham Hotspur ama Bodo/Glimt.
Soo laabashada Amad Diallo ayaa ah war weyn oo farxad leh oo u soo hoyday United. Wuxuu yahay ciyaaryahankooda saddexaad ee ugu goolasha badan dhammaan tartamada, isagoo dhaliyay 9 gool, kana qayb qaatay 8 caawin.
0 Comments