Kooxda u dhow Vinicius Junior oo beenisay in heshiis la gaaray – warbixin laga helay The Athletic



Iyadoo warbaahinta Spain — gaar ahaan MARCA — ay Arbacadii baahiyeen warar sheegaya in Real Madrid iyo weeraryahanka reer Brazil ee Vinicius Junior ay qarka u saaran yihiin heshiis kordhin cusub, ayaa kooxda u dhow ciyaaryahanka u sheegtay The Athletic in heshiis cusub uusan weli meel fog marayn.

Markii ay The Athletic la xiriirtay Real Madrid, waxay kooxda sheegtay in ay tahay wax la ogyahay in wada-hadallo muddo socday ay jiraan, balse kooxda Vinicius waxay si xoog leh u beeniyeen in heshiis cusub la gaadhay ama uu meel fiican marayo.

Warbixintu waxay tilmaamaysaa in Real Madrid aysan aqbalin dalabkii qandaraaska ee uu Vinicius horay u soo bandhigay bilo kahor, islamarkaana kooxda xiddiga aysan wali helin dalab cusub oo wax ka beddelan kan hore.

Xogaha laga helay kooxda waxay sidoo kale muujinayaan in Real Madrid si fiican u ogtahay in dalab kasta oo ka yimaada kooxaha Sacuudiga uu si weyn uga sarreyn karo waxa ay iyagu diyaar u yihiin—ama awood u leeyihiin— in ay bixiyaan. Vinicius, oo doonaya qandaraas cusub oo ka tarjumaya kororka sumcaddiisa caalamiga ah, ayaa la sheegayaa inuu raadinayo mushaar gaaraya ilaa €30 milyan sanadkii.

Inkasta oo Vinicius uu weli daacad u yahay Real Madrid islamarkaana uu doonayo inuu sii joogo heerka ugu sarreeya ee kubadda cagta Yurub, haddana farqiga dhaqaale ee u dhexeeya dalabka Madrid iyo waxa uu heli karo dibadda ayaa caqabad weyn ah.

Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in Vinicius uu fahamsan yahay in u wareegidda Sacuudiga ay dhaawici karto muuqaalka caalamiga ah ee uu leeyahay, islamarkaana ay halis gelin karto hamigiisa ah inuu noqdo xiddiga ugu fiican adduunka.

Si kastaba ha ahaatee, haddii Real Madrid aysan la imaan dalab dhab ah oo la tartami kara, Vinicius wuxuu mar uun qasban noqon karaa inuu fursadaha kale miisaamo.

Post a Comment

0 Comments