El Clásico Combined XI: Xiddigaha Barcelona iyo Real Madrid ee Ugu Fiican Xilli Ciyaareedkan 2024/25

 El Clásico Combined XI: Xiddigaha Barcelona iyo Real Madrid ee Ugu Fiican Xilli Ciyaareedkan 2024/25

Waxaa qoray: Kooxda Online
Taariikh: April 24, 2025



  Hordhac:

Kulanka El Clásico mar walba waa mid xiiso leh, balse markay Barcelona iyo Real Madrid isku arkaan final-ka Copa del Rey, xiisahaas wuxuu gaarayaa heer sare. Ka hor kulanka weyn ee Sabtida, wariyeyaasha ESPN — Sam Marsden iyo Alex Kirkland — ayaa isku dubariday X11-kii ugu fiicnaa labada kooxood ee xilli ciyaareedkan, iyadoo la tixgelinayo qaab-ciyaareedkooda hadda.


   Goolhayaha:

Thibaut Courtois (Real Madrid)
Inkastoo dhaawac uu la daalaa dhacay, haddana Courtois wali waxa uu haystaa kalsoonida labada wariye oo si wadajir ah ugu doortay booska goolka.


        Daafaca:

  • RB: Jules Koundé (Barcelona) – Ka faa’iideystay dhibaatooyinka daafaca midig ee Madrid.

  • CBs: Pau Cubarsí (Barcelona) & Antonio Rüdiger (Real Madrid) – Isku darka khibradda iyo hannaanka cusub.

  • LB: Alejandro Balde (Barcelona) – Loo doortay daafaca bidix sababo la xiriira xawaaraha iyo waxqabadkiisa joogtada ah.


          Khadka Dhexe:

  • Fede Valverde (Real Madrid): Xiddig mashiin ah oo wax ku ool ah labada dhanba.

  • Pedri (Barcelona): Maskaxda ciyaarta u haysa Barca.

  • Jude Bellingham (Real Madrid): In kasta oo qaab-ciyaareedkiisa hoos u dhacay, haddana wali waa mid wax badan ku soo kordhiya kooxda.


           Weerarka:

  • RW: Lamine Yamal (Barcelona) – Lama taabtaan xilli ciyaareedkan, gaar ahaan kulamada waa weyn.

  • LW: Raphinha (Barcelona) – Ka sarreeyay Vinícius Júnior xilli ciyaareedkan, isagoo saameyn weyn ku yeeshay Champions League.

  • ST: Kylian Mbappé (Real Madrid) – Inkastoo Lewandowski uu dhaliyay goolal badan, haddana Mbappé ayaa laga doorbiday awooddiisa guud iyo saameynta uu leeyahay.


    Gunaanad:

Doorashada ciyaartoydan waxay muujinaysaa sida uu El Clásico u yahay dagaal ka baxsan garoonka — dagaal tayo, hannaanka ciyaareed, iyo horumarinta dhalinyarada. Inkastoo ciyaartoy badan ay mudan yihiin in la xuso, haddana X11-kan ayaa matalaya kuwii ugu saameynta badnaa xilli ciyaareedkan 2024/25.


Maxaad u malaynaysaa? Yaa boos ka maqan X11-kan? Noogu reeb fikirkaaga!

Post a Comment

0 Comments