Chelsea Oo Guul Kale Gaadhay Iyagoo U Dagaallamaya Kaalinta Champions League

 


Kooxda Enzo Maresca ee Chelsea ayaa guul kale oo muhiim ah ka gaadhay Everton, taas oo sii xoojisay rajadooda ku aaddan u soo bixitaanka Champions League. Kadib markii ay guul daqiiqadihii dambe ka gaadheen Fulham, Chelsea waxay mar kale guul sahlan – balse muhiim ah – ku gaadhay Stamford Bridge, iyagoo ku mahadsan gool uu qeybtii hore dhaliyay Nicolas Jackson.

Markii Chelsea ay kubad ku hantiday badhtamaha garoonka Everton, Enzo Fernandez ayaa kubad fiican u dhiibay Jackson, kaas oo hal taabasho isku rogay kadibna kubad hoose oo geeska galisay shabaqa Jordan Pickford.

Chelsea oo Bilowgii Ciyaarta Xukuntay

Chelsea ayaa si xoogan ku bilowday ciyaarta, inkastoo uu halis ka dhashay markii goolhayaha Robert Sanchez uu si liidata ugu orday kubbad sare isagoo cadaadis kala kulmay Beto. Pickford, goolhayaha Everton, ayaa ahaa kii ugu horreeyay ee badbaadin sameeya, isagoo si fiican dhulka u jiifsaday si uu u joojiyo kubbad uu soo tuuray Noni Madueke.

Kadib goolka Jackson, Chelsea waxay bilaabeen inay si fiican u ciyaaraan, inkastoo Everton ay heleen fursado halis ah, sida markii Abdoulaye Doucoure uu madax la aaday kubad dhow, balse aanu shabaqa gaadhsiin.

Markii la gaadhay saacad ciyaareed, Everton ayaa fursad halis ah helay, laakiin Sanchez ayaa si layaab leh u badbaadiyay darbi uu Beto la yimid, waxaana uu mar kale sameeyay badbaadin kale oo weyn dhamaadkii ciyaarta. Chelsea ayaa iyaduna fursado kale samaysay, iyadoo Madueke mar kale qasbay Pickford inuu badbaadin sameeyo, halka Jackson gool labaad oo uu dhaliyay laga diiday sababo la xidhiidha offside.

1. Jackson Oo Goolkiisa Ugu Horreeyay Dhaliyay, Palmer Oo Halgan Ku Jira

Nicolas Jackson oo aan gool u dhalin Chelsea sanadkan 2025, ayaa si hufan shabaqa u gaadhay markii uu Everton hortiisa furay goolka. Waxa uu muujiyay xirfad sare iyo go'aan degdeg ah, taas oo aad uga duwanayd ciyaaryahan ay ku yartahay kalsoonidu.

Xusuus ahaan, Jackson ayaa qaybtii dambe ee xilli ciyaareedkii hore si weyn uga caawiyay Chelsea inay u soo baxdo tartamada Yurub, isagoo afartan goolal dhaliyay bisha May oo kaliya. Haddii uu mar kale qaab ciyaareedkan muujiiyo, Chelsea waxay ka sarreyn doontaa kaalintii 6-aad ee ay dhameeyeen xilli ciyaareedkii hore.

Dhanka kale, Cole Palmer ayaa mar kale la daalaa dhacayay isagoo aan wax saamayn muuqata ku yeelan ciyaarta.

2. Soo Laabashada Romeo Lavia Waa War Farxad Leh

Markii Romeo Lavia uu dhaawac hamstring ah ka soo gaadhay bisha December, Chelsea waxay joogtay kaalinta labaad ee Premier League. Tan iyo markaas, kooxda ayaa guul ka gaadhay oo kaliya toddobo kulan 18-kii ciyaarood ee xigay.

Balse kulankii Everton, Lavia wuxuu muujiyay sida uu muhiim ugu yahay kooxda isagoo si deggan oo xasilloon u maamulayay badhtamaha garoonka. Markii la beddelay qeybta labaad, taageerayaashu waxay si diirran u sacbiyeen. Haddii uu taam ahaado todobaadyada soo socda, wuxuu door weyn ka ciyaari karaa halka Chelsea ka dhammayn doonto xilli ciyaareedkan.

3. Wanaagga Iyo Dhibaatooyinka Robert Sanchez

Goolhaye Robert Sanchez ayaa qaab ciyaareedkiisa su'aalo la iska weydiinayay xilli ciyaareedkan. Ciyaartii Everton wuxuu mar kale muujiyay dhinacyo kala duwan. Inkastoo uu lahaa qaladaad hore oo ay ka mid tahay markii uu si qaldan uga baxay goolkiisa, hadana wuxuu sameeyay badbaadino muhiim ah, gaar ahaan darbigii xooganaa ee uu ka badbaadiyay Beto iyo badbaadintii dambe ee uu ka sameeyay Dwight McNeil.

4. Rikoodh Xun Oo Moyes Ka Haysta Stamford Bridge

Tababaraha Everton David Moyes, ayaa mar kale guuldarro kala kulmay Stamford Bridge. Inkastoo aysan Everton si xun u ciyaarin sidii marar hore, Moyes wali ma awoodin inuu jabiyo rikoodhka guuldarrooyinka ee uu ka heysto Chelsea.

Si kastaba, wuxuu horumar weyn ka sameeyay Everton xilli ciyaareedkan, isagoo kooxda ka fogeeyay khatarta heerka labaad.

5. Rajada Champions League Oo Weli Nool

Chelsea waxay si cad u ogayd in aysan fursad u haysan inay dhibco lumiso, gaar ahaan ciyaaraha guriga ee ay la leedahay kooxo hooseeya. Guushii Everton waxay u suurtagelisay inay gaadhaan kaalinta afraad ee horyaalka.

Inkasta oo safarro adag oo ay ugu horeeyaan Newcastle, Nottingham Forest iyo kulan adag oo ay la ciyaarayaan horyaalka Liverpool ay sugayaan, haddana Chelsea wali waxay heysataa fursad ay ku xaqiijin karto ka qaybgalka Champions League xilli ciyaareedka dambe.

Post a Comment

0 Comments