Real Madrid ayaa la ciyaari doonta Barcelona final-ka Copa del Rey maanta, iyadoo dooneysa inay ku darto koobkoodii saddexaad ee xilli ciyaareedkan. Marka laga yimaado buuqa hareeyay garsoorayaasha, war kale oo ay taageerayaashu sugayeen wuxuu ahaa haddii Kylian Mbappe uu safan doono.
Weeraryahanka reer France ayaa la daalaa dhacayay dhaawac canqowga ah oo uu ka soo qaaday kulankii Champions League ee ay la ciyaareen Arsenal. Dhaawacaasi wuxuu sababay inuu seego labadii kulan ee ugu dambeeyay, inkastoo uu ganaax ku maqnaa kulankii ugu horreeyay ee ay la ciyaareen Athletic Club.
Sida uu sheegay wargeyska AS, shalay Mbappe waxaa loo sameeyay tijaabo caafimaad si loo go'aamiyo inuu bilaabi karo ciyaarta. Haddii uusan taam noqon, wuxuu kusoo bilaaban doonaa kursiga keydka, iyadoo Vinicius Jr. iyo Rodrygo ay safka hore ku bilaaban doonaan.
Waxaa jira hadal hayn taageerayaasha dhexdeeda ah oo sheegaysa in tan iyo markii Mbappe uu yimid, qaab ciyaareedkii kooxda uusan sidii hore ahayn. Haddii uusan ciyaarta bilaabin, taasi suuragal ahaan lama arki doono dhibaato weyn, maadaama Madrid ay labadoodii kulan ee uu maqnaa ku guuleysteen 1-0.
Mbappe waa gooldhaliyaha ugu sarreeya kooxda xilli ciyaareedkan 2024-25, isagoo dhaliyay 32 gool tartamada oo dhan. Goolal badan oo uu dhaliyay waxay ahaayeen kuwa guusha lagu gaadhay; la'aantiis, kooxda waxay ahaan lahayd meel ka liidata. Haddii uu ciyaaro final-ka, Carlo Ancelotti wuxuu rajeynayaa inay kooxda oo dhan muujiyaan qaab ciyaareed adag si ay uga adkaadaan Barcelona.
0 Comments