Darwin Nunez Oo Muujiyay Caro Kadib Markii Fariin Uu Ku Baahiyay Baraha Bulshada La Tirtiray


 Darwin Nunez ayaa u muuqday inuu muujiyay caro ku aaddan waqtigiisa ciyaarta ee Liverpool oo yaraaday, kadib markii uu baraha bulshada soo dhigay qoraal uu si degdeg ah uga tirtiray.

Nunez ma uusan bilaaban ciyaar Liverpool ah tan iyo 8-dii Maarso, waxaana war kasoo baxay Portugal uu sheegay in tababaraha kooxda, Arne Slot, uu si ula kac ah u keydinayay Nunez sabab la xiriirta heshiiskii uu kaga yimid Benfica 2022-kii.

Wargeyskaas ayaa sheegay in Liverpool ay Benfica u bixin doonto €5m (£4.3m) haddii Nunez uu gaaro 60 kulan oo uu kusoo bilowdo tartamada Premier League iyo Champions League. Haatan wuxuu fadhiyay 59 kulan, waxaana jira warar sheegaya inuu xagaagan Anfield ka tagayo, taasoo sii xoojisay tuhunka.

Slot ayaa sheegay inuusan waxba ka ogayn jiritaanka qodobkaas, wuxuuna ku adkaystay in xulashada ciyaartoyda aysan la xiriirin wax arrimo dhaqaale ah oo ka socda gudaha kooxda. Liverpool Echo ayaa sidoo kale xustay in maqnaanshaha Nunez uusan la xiriirin arrimo lacageed.

Si kastaba, 24 saacadood kadib ballanqaadkii Slot, Nunez ayaa fariin usoo dhigay baraha bulshada isagoo si qarsoodi ah ugu eedeynaya kooxda inaysan si daacad ah ula dhaqmin, kahor intii uusan si dhaqso leh uga tirtirin.

Wuxuu ku qoray X (horey loogu yiqiin Twitter):
"La yaab ma leh inaanan si joogto ah u ciyaarin, maxaa yeelay kulankii ugu dambeeyay ee aan Premier League kusoo bilowday si fiican ayuu iigu dhamaaday, markaasna si kedis ah..."

Nunez ayaa isku dayay inuu raadka tirtiro isagoo soo dhigay sawir isaga iyo Alexis Mac Allister, balse taageerayaal badan ayaa durba arkey qoraalkiisii hore, iyagoo muujiyay caro iyo niyad jab ku aaddan waqtiga iyo habka uu farriinta u baahiyay xiddiga reer Uruguay.

Post a Comment

0 Comments