FA-ga ayaa xaqiijisay inay warqad u dirtay Cody Gakpo kadib dabaaldegii uu sameeyay intii lagu jiray guushii Liverpool ay ka gaadhay Tottenham Axaddii, iyadoo ciyaaryahanku uu ka badbaaday wax ciqaab ah.

 


Liverpool – Xiriirka Kubadda Cagta Ingiriiska (FA) ayaa xaqiijiyay inuu warqad u diray weeraryahanka Liverpool ee Cody Gakpo kadib markii uu muujiyay fariin diimeed intii lagu guda jiray dabaaldegii guushii 5-1 ay ka gaareen Tottenham Hotspur Axaddii.

Gakpo, oo dhaliyay mid kamid ah goolasha ciyaarta ka dhacday Anfield, ayaa shaadhka iska bixiyay isagoo muujiyay funaanad uu ku xidhnaa oo ay ku qornayd: "I belong to Jesus" (Waxaan leeyahay Ciise). Fariintaas ayuu sidoo kale mar kale muujiyay kaddib ciyaarta, xilli Liverpool si rasmi ah loogu caleemo saaray horyaalka Premier League.

Warar hore ayaa sheegayay in Gakpo laga yaabo inuu wajaho ciqaab, maadaama ay FA-du mamnuucdo muujinta fariimaha diimeed ee ku jira dharka ciyaartoyda, kabaha ama qalabka kale ee ciyaarta – sida ku xusan Qodobka A4 ee xeerarka qalabka iyo xayaysiiska.

Si kastaba ha ahaatee, FA-ga ayaa xaqiijiyay in aysan tallaabo kale ka qaadi doonin Gakpo, waxaana la sheegay in warqadda loo diray ay ahayd oo keliya xusuusin sharci.

Gakpo lama ganaaxayo, waana la ciyaari doonaa kulamada soo socda, taasoo farxad u ah taageerayaasha Liverpool oo si weyn u xusay guushii horyaalka.

Kooxda.online waxay si dhow ula socon doontaa horumarka warkan iyo wixii dheeraad ah oo kusoo kordha.

Post a Comment

0 Comments